Beledwayne (Raxanreeb ) Wararka aan ka helaynayo deegaano ka mid ah gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaas ay ka socdaan howlgal ka dhan ah Al- Shabaab ,kaas oo ay ka qayb qaadanayaan ciidanka Dowladda iyo kooxaha deegaanka
Howlgalkan ayaa lagu soo waramayaa in markan ay ka qayb qaadanayaan diyaarado dagaal sida ay sheegeen saraakiil ciidan oo la hadlay idaacada ku hadasha afka Dowlada Faderaalka Soomaaliya.
Ciidamada huwanta ah ayaa howlgaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay gobolka Hiiraan Al Shabaab uga saaray deegaanno dhowr ah ay kamid yihiin Beerxaanno, Tarashante, Nuur-fanax, Ceela-hele iyo Burdaar.
Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte ayaa sheegay in uu socdo howlgal cusub oo Al Shabaab gobolka looga sifeenayo, waxa uuna ku hanjabay in Al Shabaab ka saarayaan deegaannada wali ka joogaan gobolka Hiiraan.
Maalmihii lasoo dhaafay waxaa si dardar leh ku socday howl-gallada ay ciidamada huwanta ka wadaan qeybo kamid ah dalka, iyada oo si hordhac ah u billowday wejiga labaad ee dagaalka, oo la filayo inay qeyb ka noqdaan ciidan ka socda dalalka deriska
Leave a Reply