Muqdisho (Raxanreeb) — Wabiga Shabeelle oo fatahaad ku sameeyay 9 tuulo oo katirsan Gobolka Hiiraan DG Hir-Shabeelle ayaa sababay in ay barakacaan ku dhawaad 1,000 ruux oo haatan isugu tagay deegaanka Gurya-cadde.
Dadkaan waxa ay intooda badan ahaayeen Beeraley oo dallagii ay sugayeen in ay suuqa geystaan si ay u iibsadaan biyaha fatahaadda ka dhashay ka dulmaray kuna khasaareen sida ay hadalka u dhigeen.
Waxa ay ku sugan yihiin xeryo barakac oo loo dhisay si dib u dejin loogu sameeyo balse ma heystaan cunno iyo waxyaabaha kale nolosha aasaasiga u ah sida ay sheegeen qaar kamid ah oo Warbaahinta la hadlay.
Qoysaskaan ayaa dalbaday in laga gacansiiyo sidii biyaha looga bixin lahaa deegaankooda si ay dib ugu laabtaan guryahooda markalena isu dayaan in ay beertaan dallagii fasalkaan ka khasaaray waa sida ay sheegeen.
Fatahaadda Wabiga Shabeelle uu ku sameeyay deegaanno katirsan Gobolka Hiiraan ayaa sababay barakac qoysas badan, Dallag badan oo biyuhu baabi’iyeen iyo jidadkii la isaga kala gudbayay Tuulooyinka oo xirmay.
Leave a Reply