Dowladda awooda ma  u leedahay in ay mamnuucdo ka ganacsiga hubka

Dowladda awooda ma  u leedahay in ay mamnuucdo ka ganacsiga hubka

Muqdisho (Raxanreeb ) Dowladda Soomaaliya ayaa digniin ka soo saartay , hubka faraha badan ee laga soo dejinayo dekadaha magaalada dalka iyo  gobolka Banaadir.

Hadalkan waxaa sheegay Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamudu oo intaas warkiisa ku daray in aan la ogolaan doonin in hubka lagala soo dego dalka guud ahaan

Waxa uu sheegay madaxweynaha in hadda kaddib aan la oggolaan doonin ka gancsiga dharka ciidanka ee ganacsatada dalka soo galiyaan iyo sidoo kale agabka ciidanka.

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa xusay in muhiim ay tahay in si wadajir ah loogu digtoonado in gudaha dalka la soo galo  hub iyo sanaad ciidan oo baalmarsan sharciga.

”Dharka iyo agabka ciidanka amniga loo yaqaan ganacsi ma galo lamana keeni karo dalka ,iska ogow ganacsadow, kunteenar tuuto ah ayaa ii yaala waa dhammaatay iska ogow, waa lala wareegaa oo dowladda qaadaneyso ‘” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Hadalka Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa imaanaya , iyadoo meelo badan oo magaalada Muqdisho lagu iibiyo , hub si sharciga aan waafaqaysan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.