GALCAD : Ciidanka  Dowladda oo u ruqaansaday deegaano hor leh

GALCAD : Ciidanka  Dowladda oo u ruqaansaday deegaano hor leh

Muqdisho (Raxanreeb ) Ciidanka Dowladda  Federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa in ay u  ruqaansadeen maanta deegaanada ku dhaw dhaw degmada Galcad ,  ka dib markii halkaas si buuxda ay ula wareegeen.

Wararka aan ka helayno degmada Galcad ayaa sheegaya in ciidanka xoogga dalka dhaqdhaqaaqyo ciidan ay ka bilaabeen deegaanada Ceel Heele, Ceel Dhiig saar iyo kalabayr oo ka mid ah   deegaanada  hoos yimaada degmada Galcad.

Saraakiisha Dowladda  Federaalka Soomaaliya ayaa u  sheegay warbaahinta  in  ciidanka diyaar ay u yihiin in  Al- Shabaab ay ka saaraan guud ahaan deegaanada ay kaga sugan yihiin gobolada Mudug & galgaduud.

Dhanka kale : Ciidanka Dowladda  ayaa wararka aan helayno waxa ay sheegayaan in ay  bilaabeen  howlgal ay ku doonayaan in ay ku sugaan amniga degmada Galcad  ee gobolka galgaduud.

Saraakiisha Ciidanka xoogga ee ku sugan degmada Galcad ayaa sheegay in Hawlgalkan u  jeedkiisa uu yahay sidii looga hortagi lahaa suurtagalnimadaa weeraro ay qorsheynayaan  kooxda Alshabaab .

Degmada Galcad ayaa ah magaalo muhiim ah  waxaana  shalay la wareegay ciidamada Danab iyo GorGor, kadib markii  halkaasi ay  ku qaadeen weerar dhowr jiho ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.