Dowladda Federaalka ‘’ 15 Sarkaal oo Al- Shabaab ah ayaa dilnay ‘’

Muqdisho (Raxanreeb ) Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in  kooxda Al- Shabaab ay kaga  guulaysteen meelo badan oo ay isaga hor yimaadeen , iyaga iyo kooxda.

War ka soo baxay Dowladda Federaalka ayaa lahgu sheegay in  ciidanka  dagaal ka dib ay ku guulaysteen in ay gaaraan deegaano ay hore ugu sugnayeen kooxda Al- Shabaab.

Afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga Gen. Cabdullaahi Cali Caanood, ayaa sheegaya in ciidamada dowladda iyo kuwa kacdoonka ee wehliya Al Shabaab kala wareegeen saakay iyo shalay deegaano dhowr ah.

“Awood ay hadda ku hor istaaggaan ummadda Soomaaliyeed iyo Ciidanka Xoogga Dalka malaha, awoodooda waxa haray waa uun boqolkiiba soddon ayaan dhihi karnaa, markii aan qiimeyn samayno,” ayuu yiri Afhayeenka.

Waxa uu sheegay Afhayeenka ciidanka xoogga dalka  in meelaha Al- Shabaab ay ka saareen ay ka mid yihiin deegaanka , deegaanka Wabxo ee gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.