Muqdisho ( Raxanreeb ) qarax ayaa maanta oo Khamiis ka dhacay meel u dhaw xerada ciidanka asluubta ee magaada Muqdisho.
Goobjoogayaasha ayaa sheegaya in qaraxa ka dib goobta gabi ahaanba ay xireen ciidanka Dowladda , taas oo keentay in la ogaan waayay khasaaraha ka dhashay.
Dadka iyo gadiidka ayaa adeegsanaya in waddooyin qardi jeex ah oo dhaxmaraya xaafadaha ka danbeeyay xerada ciidanka Asluunta ee magaalada Muqdisho.
Laamaha amaanka Dowladda Soomaaliya ma aysan ka hadlin khasaaraha ka dhashay qaraxan mana jirto wax war ah oo ay ka soo sareen.
wixii ku soo kordha kala soco
www.raxanreeb.com
Leave a Reply