Dowladda Xasan Sheekh oo isku dayaysa hagaajinta xiriirka Itoobiya.

Adis Ababa (Raxanreeb ) Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa kulan looga hadlay xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo itoobiya ku yeeshay masuuliyiin ka kala socday labada dal.

Markii ugu horeysay ayaa waxaa kulan fool ka fool ah waxa magaalada Adis Ababa ee Dalka Itoobiya ku yeeshay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya, Demeke Mekonnen Hassan.

Labadan masuul ayaa isla soo qaaday sida ay tahay in la isugu soo dhaweeyo danaha labada dal ka dhaxeeya ka dib markii uu mugdi galay xiriirka dalalka ood-wadaag ah tan iyo markii Madaxwaynaha Dowladda Federaalka loo doortay Xasan Sheekh Maxamuud.

Kulanka ayaa kusoo dhamaaday miro-dhal, sida uu sheegay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar oo qoraal soo dhigay bartiisa twitter-ka.

Dhanka Dowladda Federaalka Itoobiya ma aysan faahfaahin kulanka labada dhinac ku dhax maray magaalada Adis Ababa ee Dalka Itoobiya.

Dowladda Itoobiya ayaa xiriir wanaagsan la lahayd Dowladii Madaxwaynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo , halka Dowladda Xasan Sheekh uu xumaaday xiriirka labada dal taas bedelkeeda Kenya oo ay isku xumaayeen Farmaajo uu wanaagsan yahay Xasan Sheekh.

Leave a Reply

Your email address will not be published.