Maxaa ku soo kordhay caawa Dagaal maanta ka dhacay duleedka Afgooye ?

Afgooye (Raxanreeb ) Wararka caawa RBC uu ka helayo degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegay in ay degan tahay xaaladda deegaanka Doonka oo kaabiga ku haya degmada Afgooye.

Deegaankan ayaa Maanta oo Talaada ah waxaa isku fara saaray ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Al- Shabaab weerar ku qaaday Booyad Shidaal oo ay galbinayeen ciidanka Dowladda Federaalka.

Weriye ku sugan Degmada Afgooye ayaa u sheegay RBC in goobta hadda ay ku sugan yihiin ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya isla markaana ciidanka ay isku fidiyeen caawa dhamaan waddooyinka soo gala degmada Afgooye.

Inta la xaqiijiyay 3 qof ayaa ku geeriyootay dagaalka – halka tiro intaas ka badan ay ku dhaawacmeen sida dadka deegaanka RBC ay u xaqiijiyeen.

Marar badan ayaa ciidanka Dowladda iyo kuwa Al- Shabaab waxa ay ku dagaalameen degaano badan oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

Leave a Reply

Your email address will not be published.