Kismaayo ( Raxanreeb Online) Dowladda federaalka Somaaliya, ayaa faah faahin ka bixisay duqeyn diyaaradeed oo laga fuliyay deegaanka 40km, dhanka waqooyiga kaga began magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.
Bayaan kasoo baxay dowladda federaalka, ayaa lagu xaqiijiyay in duqeyn lagu beegsaday goob ay ku sugnaayeen kooxda Al-shabaab.
Sidoo kale bayaanka, ayaa lagu sheegay in duqeyn lagu burburiyay goob muhiim ah oo ay ku sugnaayeen dagaalamayaal katirsan kooxda Al-shabaab.
“Dowladda federaalka, waxa ay u mahad celineysaa taliska AFRICOM oo fuliyay duqeynta, waana sii wadi doonaa duqeymaha aan la beegsaneeyno goobaha ay ku sugan yihiin Al-shabaab,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay dowladda.
Sikastaba, lama oga khasaaraha rasmiga ah eek a dhashay duqeynta ay diyaaradaha Mareykanka ka fuliyeen gobolka Jubbada Hoose, mana jirto hadal kasoo baxay taliska AFRICOM, oo looga hadlayo duqeynta.
Leave a Reply