Muqdisho ( Raxanreeb ) Warar lagu kalsoonyahay ayàa sheegaya in dowladda Soomaaliya ay tababar ciidan u direyso kumanaan dhalinyara ah oo maanta lagu xareeyay gudaha garoonka Aadan Cadde.
Wararka ayaa sheegaya in ciidankii tababarka ujiray dalka Eriteria dhawaan laga soo dejin doono garoonka Aadan Cadde.
Sida ay ii xaqiijiyeen Ilo wareedyo ka tirsan DFS dhalinayaradan ayaa tababar ciidan waxaa loogu dirayaa dalka Eriteria oo ay hadda ku sugan yihiin kumanyaal ciidamo Soomaaliyeed ah oo dalkaasi lagu tababaray.
Madaxweyne Xassan Sheekh, ayaa dhowr habeen ka hor jaaliyadda Soomaalida ee Menisota u sheegay in ciidanka jiray Eriteria dhawaan dib loogu celin doono Muqdisho.
Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kamid ahaa mucaaradkii MW Farmaajo ku dhaliili jiray dhalinyarada tababarka loogu diray wadanka aan dunida la socon ee Eriteria.
Leave a Reply