Waddooyin ka mid ah Muqdisho oo xiran & sababta ka danbeysa.

Muqdisho ( Raxanreeb ) Waxaa xiran wadada laamiga ah ee xariirisay isgoosyo badan oo muhiim ah, sida laga soo bilaabo agaagrka wasaaradda Gaashaanshiga, Tarabuunka,Km4 ilaa Dekadda.

Waxaa aad u adag isku socodka wadooyinka iyada oo ay xanibanyihiin gaadiidka dadweynaha iyo isku socodka.

Inta badan waddooyinka ayaa ah mid cariiri ah oo ay adag tahay in gadiidka uu si fudud u adeegsado waxaana meelaha qaar diidaya adeegsiga askar ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

Hay’ adaha Dowladda wax faahfaahin ah ma aysan ka bixin waddooyinka xiran waxa keliya ee muuqanaya ayaa ah saamaynta dadka Muqdisho arintan ay ku yeelatay.

Dowladda ayaa gaadiidka gaashaaman ku daadgureynayso ciidamo farabadan oo laga keenay dhanka xerada Gordan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.