Dowladda oo faragalisay aroosyada ka dhacay gobolka Mudug.

Dowladda oo faragalisay aroosyada ka dhacay gobolka Mudug.

Xarardheere (Raxanreeb ) – Degmada Xarardheere ee gobolka Mudug oo in  muddo ah ay maamulayeen kooxda Al- Shabaab isla markaana hadda ay ku sugan yihiin ciidanka Dowladda ayaa waxa ay soo saareeen go’aano cusub.

Saraakiisha ciidanka xoogga dalka oo ku sugan degmadaas ayaa dadwaynaha ku nool magaaladaas waxay  dul- dhigeen , amaro  cusub oo ay ku sheegeen inuu xal u yahay dadka deegaanka.

Saraakiisha hoggaamisa ciidamada Gorgor ee ku sugan Xarardheere ayaa sheegay in ay mamnuuc tahay in hal gaari ka badan aroos lagu galbiyo, sidoo kale la mamnuucay in aroosyada iyo dabaal-degyada kalaba rasaas loo rido.

Waxay sidoo kale kale amreen  in ciyaaradaha hidaha iyo dhaqanka aysan hal goob kuwada ciyaari karin ragga iyo dumar, waxa ay sidoo kale mamnuuceen in magaalada dhaxdeeda baabuurta xawaare sare ku socdaan.

Intaas waxa ay ku dareen  in la joojiyay in baabuur magaalada lagu dhax wado waxii ka dambeeya lixda maqribnimo, iyadoona qofkii jabiya ammarka laga qaadi doono tallaabo adag.

Arintan ayaa lagu sheegay in loogu gol leeyahay sidii loola socon lahaa dhaq dhaqaaqa amniga ee degmada isla markaana xal  u yahay ka warqabadka shaqsiyaadka ku soo dhax dhuuman kara degmada.

Leave a Reply

Your email address will not be published.