Dowladda sida ay uga faa’idaysan karto fursadaha jira & Safarka Washington.

Dowladda sida ay uga faa’idaysan karto fursadaha jira & Safarka Washington.

Washington (Raxanreeb ) Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku sugan magaalada Washington ee dalka Mareynkan halkaas oo uga qayb gali doono meertada 77aad ee Qaramada Midoobay.

Safarka Madaxwaynaha ee Washington ayaa noqonaya safarki 10-aad ee Madweynuhu uga baxo dalka tan iyo markii dib loogu doortay Madaxweynaha Soomaaliya 15 May 2022 oo hadda laga joogo afar biloood oo buuxda.

Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa Mareynka tagay iyadoo Dowladda Mareynkan ay doonayso in markale sare u qaado la macaamilka DF Somalia, isla markaana uu isku dayayo kordhinta howlgalada uu ka wado Soomaaliya.

Madaxwaynaha Mareynkanka Joe Biden ayaa markii la doortay Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu ku dhawaaqay inuu dib usoo celinayo ciidamo dalkiisa ka jooga Somalia oo uu ka saaray Donald Trump horraantii sanadkii tegey.

Inta uu ku sugan Madaxwaynaha Soomaaliya Dalka Mareynkanka waxa uu la kulmi doonaa Xoghayaha Gaashaandhigga Maraykanka, Lloyd Austin, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Pentagon waxana tani lagu tilmaamay fursad Madaxwaynaha uu ku soo bandhigi karo howlgalada ka socda dalka.

Haddii Madaxwaynaha Soomaaliya uu ka faa’idaysto fursadaha la xiriira amniga ee uu la diyaarka la yahay Mareynkanka ayaa la aamisan yahay in ay tahay mid wax badan ku soo kordhinaysa howlgalada ka socda dalka ee ka dhanka ah Al- Shabaab.

Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Somalia ayaa lagu wadaa inuu hoggaanka millateriga Maraykanka lasoo qaado arrimo ku saabsan kaalmaynta Xoogga Dalka Somalia oo la hardamaya agab xumi iyo saadka oo ku liita waa fursad kale oo maanta hortgaala Madaxwaynaha Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa kulan doceedyo la yeelan doona inta uu ku sugan yahay Washington Madaxda dalalka ka qeyb galaya Meertada 77aad ee , hoggaanka hay’adaha iyo ururrada caalamiga ah taas oo ka dhigan fursadaha kale ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay kula macaamiilo karto dalal kale si loogu gacansiiyo la dagaalanka Al- Shabaab.

WD Hanad Ali Guled

Leave a Reply

Your email address will not be published.