Macwiislayda & Ciidanka Dowlada oo duugay ceelbiyood dab-na qabsiiyay tuulooyin ka tirsan Hiiraan

Jalalaqsi (Raxanreeb ) Maleeshiyaadka Macawiislayda iyo ciidanka Dowladda ayaa qarax ku burburiyay ceelka deegaanka Wardheen oo hoostaga Degmada Jalalaqsi.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in sidoo kale ciidanka Dowladda iyo kooxdan dab- ay qabsiiyeen deegaankaas Wardheen ee gobolka Hiiraan ka tirsan.

Waxaa la xaqiijiyay in Ceelkaasi uu ahaa kan keliya deegaanka ku yeelay kaas oo ay ku tiirsanayeen nolosha dadka deegaanka halkaas oo ay ka jirto abaar daran oo saameyn ku yeelatay dadka iyo duunyada.

Lama oga waxa ku riixay ciidanka Dowladda iyo kooxaha macwiislayda in dab ay qabsiyaan deegaankaas isla markaana ay gubaan guryaha ku yiilay deegaanka

Dadka ka soo jeeda Wardheen ayaa dowlada ugu baaqay in baaritaan ay ku sameyso dhibaatada ciidanka dowlada iyo Maleeshiyaadkaas ay ka gaysteen deegaanka Wardheen ee hoostaga degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Al- Shabaab ayaa hore sidan oo kale u gubay tuulooyin ka tirsan gobolka Hiiraan isla markaana u duugay ceelal ay isticmalayeen dadka deegaanka , taas oo keentay in meelaha qaar dadka ay isaga barakacaan.

Sii socoshada dhibaatadan ayaa horseedi karta haddii aan hadda waxba laga qaban masiibooyinka salka dhigta meel aan waxba laga qaban karin.

Leave a Reply

Your email address will not be published.