Duqa magaalada Istanbul oo xabsiga la dhigay

Istanbul (Raxanreeb) — Maxkamad ku taal dalka Turkiga ayaa Arbacadii xabsi ku xukuntay duqa magaalada Istanbul Ekrem Imamoglu, waxayna xayiraad siyaasadeed kusoo rogtay siyaasiga mucaaradka ah oo loo arko inuu yahay nin la tartami kara madaxweyne Tayyip Erdogan doorashada sanadka soo socda.

Imamoglu ayaa lagu xukumay labo sano iyo toddobo bilood oo xarig ah oo ay la socoto xayiraad, waxaana labadaban xukun ay tahay inay xaqiijiso maxkamadda racfaanka, kadib markii ‘uu aflagaadeeyay mas’uuliyiinta Turkiga khudbad uu jeediyay’ kadib markii uu ku guuleystay doorashadii dowladda hoose ee Istanbul 2019.

Booliiska rabshadaha ka hortaga ayaa la dhigay bannaanka maxkamada ee dhanka Aasiya magaalada ay ku nool yihiin 17-ka milyan oo qof, inkastoo Imamoglu uu sii watay shaqadiisa sidii caadiga ahayd, hadana wuxuu meesha ka saaray dacwadii maxkamada.

Isagoo ku sugan xaruntiisa dowladda hoose ee Bosphorus ee dhinaca Yurub ee Istanbul, ayaa wuxuu u sheegay kumannaan qof oo taageerayaashiisa ah in xukunku uu calaamad u yahay “sharci-darro qotodheer” oo “caddaysay inaan caddaaladi ka jirin Turkiga maanta”.

Waxa uu sheegay in codbixiyeyaashu ay ka jawaabi doonaan doorashada madaxtooyada iyo baarlamaanka ee loo qorsheeyay bisha June ee soo socota.

Codbixintan ayaa noqon karta caqabadii ugu weyneyd ee dhanka siyaasadda ah ee soo wajahda Erdogan, kaas oo doonaya in uu xukunka ku kordhiyo tobanka sano ee soo socota isaga oo wajahaya hoos u dhaca lacagta iyo sicir bararka baahsan ee kor u qaaday qiimaha nolosha ee Turkiga.

Isbaheysiga mucaaradka oo ka kooban lix xisbi ayaan weli taageersaneyn musharaxooda madaxweyne, waxaana Imamoglu loo badinayaa inuu yahay musharax weyn oo la tartami kara Erdogan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.