Sarkaal ka tirsan maamulka Deyniile oo ku dhaawacmay qarax gaarigiisa loogu xiray.

Muqdisho ( Raxanreeb ) Warar RBC uu ka helayo degmada Dayniile ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay qarax waxyeelo gaystay.

Goobjoogayaasha ayaa sheegaya in qaraxa lala eegtay sida la sheegay sarkaal lagu magacaabo Cabdisamad Cabdiwahaab.

Gaariga ayaa la sheegay in sarkaalkan loogu xiray , waxaana gaaray dhaawac sababay in la dhigo  mid ka mid ah isbitaalada magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxa lagu soo waramayaa in goobta qaraxa uu ka dhacay ay soo gareen ciidanka maamulka degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay maamulka degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho oo ku aadan qaraxan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.