Mekele (Raxanreeb) Diyaaradaha dagaalka ee Dalka Itoobiya ayaa lagu soo waramayaa in duqeymo ay ka gaysteen magaalada Mekele , taas oo ay waxyeelo ka soo gaartay dad rayid ah .
Saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay in afar qof oo ay ku jiraan laba caruur ah in ay ku dhinteen duqeyn cirka ah oo diyaaradaha Itoobiya ay ka fuliyeen caasimadda gobolka Tigray.
Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Abiy Ahmed ayaa ku eedeyay Dowladda in duqeymahaas ay la beegsatay dad shacabka ah guryahooda ku sugnaa.
Hase ahaatee Dowladda ayaa meesha ka saartay jirintaanka warka ka soo baxay kooxaha mucaaradka ah ee la xiriira in duqeymaha lala eegtay dad shacab ah.
Wakaalada Wararka ee AFP oo soo xiganaysa Kibrom Gebreselassie, oo ah agaasimaha caafimaad ee isbitaalka Ayder Referral Hospital ayaa sheegtay in afar qof oo mayd ah la keenay isbitaalka.
” Laba ka mid ah dadka dhintay ee isbitaalka la keenay waa caruur ” sidaas waxa sheegay sarkaal caafimaad oo ku sugan halka duqeymaha ay ka dhaceen.
Duqeynta Mekele ayaa timid maalmo kadib markii uu dib u billowday dagaalka dhulka ee dowladda iyo mucaaradka kadib shan bilood oo hakad uu ku jiray.
waxaa muuqanaysa in ay soo afjaratay xabad-joojintii, meeshana ka saartay rajadii wadahadallada nabadeed. ee lagu doonayay in xalisooni lagu soo dabaalo wadanka Itoobiya.
Duqeymo ka dhacay Mekele oo Caruur ay ku geeriyootay.

Leave a Reply