Duqeymo lala beegsaday xarumo Al-Shabaab ku kaydinayeen qaraxyada

Duqeymo lala beegsaday xarumo Al-Shabaab ku kaydinayeen qaraxyada

Muqdisho (Raxanreeb) — Warar dheeraad ah, ayaa laga helayaa duqeyn xooggan oo xalay diyaarado dagaal ay ka fuliyeen degmada Galhareeri ee gobolka Galgaduud, halkaasi oo ay muddo dheer ku sugan yihiin xubnaha Al-Shabaab.

Howlgalkan oo ay iska kaashadeen ciidamada Xoogga dalka, kuwa deegaanka & saaxibada caalamiga ah ayaa lagu beegsaday kaydkii qaraxyada Al-Shabaab, iyo guri ay daganaayeen xubno ka tirsan kooxda, Al-Shabaab, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya.

“Bartilmaameedka weerarka ayaa ahaa guri ay deganaayeen maleeshiyada Argagixisada ah iyo Xaruntii keydka Qaraxyada oo mar kale duqeyn loo gaystay lana burburiyay” ayaa lagu yiri qoraalka.

Dowladda, ayaa sheegtay in weerarkan khasaare xooggan lagu gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab, laguna jabiyay sidoo kalena dhulka lagu daray goobahaasi.

Dowladda ayaa markale tiri, “Jab xoogan ayaa maleeshiyada lagu gaarsiiyay weerarkaan oo ay xogtiisa iska kaashadeen Ciidamada Qaranka iyo dadka deegaanka waxaana dhulka lala simay dhamaan goobihii Howlgalka laga fuliyay”.

“Ciidamada geesiyaasha Qaranka oo kaashanaya” Shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibada Caalamiga ah waxaa ka go’an soo afjarida maleeshiyada gumaada Shacabka Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka Dowladda.

Howlgalkani waa kii saddexaad ee ka dhaca degmadaka Galhareeri, weerarkan kii ka horreeyay oo lagu burburiyay warsahado qaraxyada lagu sameeyo.

Ma jirto wax hadal ah, oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab, oo ku saabsan duqeeymaha adag ee xalay ka dhacay Galhareeri.

Maalmahaan ayaa waxaa ka socda gobollada dhexe weeraro culus oo dhan ah, kooxda Al-Shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published.