Fahad Yaasiin “Col ku dhac oo cadow kuu ciidami.”-JABUUTI.

Fahad Yaasiin “Col ku dhac oo cadow kuu ciidami.”-JABUUTI.

Muqdisho (Raxanreeb ) Taliyihii hore Hay’adda Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka Fahad Yaasiin oo dhawaan ku soo biiray degalada baraha bulshada gaar ahaan X ayaa fariin u diray madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Qoraalkiisa waxa uu kaga – hadlay kaalinta arrimaha Soomaaliya dalalka Jabuuti iyo Imaaraadka Carabta isagoo sheegay in loo baahan yahayin Soomaalida ay kala gartaan cida saxiibka la ah iyo kuwa cadowga si taas loo gaarana ay u baahan tahay dhugasho iyo dhaayo wax arka.

Fahad Yaasiin,  La taliyihii hore ee Amniga Qaranka iyo Agaasimihii Hay’adda Nabad Sugidda iyo Amniga Qaranka Soomaaliya ayaa qoraal  ku  yiri:

“Tallaabo qaadka qaran walba waxaa udub dhexaad u ah saddex xagalka isku xigxiga ee kala ah xog saxan oo xuuraan hubsan soo xanbaaray, faham buuxa oo falanqayn xirfadaysan lagu lifaaqay iyo gaarista go’aan u qalma culayska xaaladda ku hortaagan.

Saddexdaas marka laga faqiiro waxaa ka dhasha cabsi iyo gaabis dhan walba leh, waxaana isku darsama helista danta gaarka ah iyo ilaalinta danta guud.

Markaan aad ugu fiirsaday Is-afgaradkii Badda ee aan sharciga ahayn ee ay kala saxiixdeen Abiy Axmed iyo Muuse Biixi, oo haddana aan eegay dowladeenna yey saaxiib dhaw latahay oo ay garab iyo gargaar degdeg ah ka filan kartaa waxaan garwaaqsaday  inaan soo saaro dhawr qormo oo ay ugu horeyso qormo labo qaybood kala ah oo aan cinwaan uga dhigay (Col ku dhac oo cadaw kuu ciidami) oo aan uga hadli doono doorka muuqda iyo kan qarsoon ee Ismaaciil Cumar Geelle iyo dowladda Imaaraadka.”

Leave a Reply

Your email address will not be published.