Duqeyn & dagaal is bar bar socday oo ka dhacay Mudug ka dib waa sidee xaaladda ?

Wisil (Raxanreeb ) Saraakiisha amniga maamulka Galmudug ayaa sheegtay in dagaalkii ka dhacay deegaanka Qaycad ee koonfurta mudug lagu dilay tiro badan oo kooxda Al- Shabaab ah.

Waxa ay ku warameen sarakiishan inay dileen illaa 55 xubnood oo ka tirsan maleeshiyada kooxda Al-Shabaab, kadib dagaal culus oo ka dhacay deegaanka Qaycad ee gobolka Mudug.

Cabdi Garaad Cumar Maxamed oo ka Tirsan Mas’uuliyiinta Maamulka degmada Wisil ee gobolka Mudug ayaa sheegay in dagaalkaas sidoo kale ay kaga furteen sida ay hadalka dhigeen hub fara badan oo kooxda Al- Shabaab ay lahaayeen.

Dagaalka ka dhacay Hawdka Qaycad ee koofurta Gobolka Mudug  waxaa lagu soo waramayaa in ay  bar bar socday duqaymo ay diyaarado dagaal u geysanayeen Fariisimo Alshabaab ay ku laahaayen degaankaas.

Leave a Reply

Your email address will not be published.