DURBA :  Guddi uu magacaabay DENI oo la diiday.

DURBA :  Guddi uu magacaabay DENI oo la diiday.

Garoowe (Raxanreeb) Madaxwaynaha maamul goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi  DENI ayaa magaacabay Guddiga amniga doorashooyinka  iyo khilaafka , kaas oo qayb ka ah Guddiyada doorashooyinka.

Guddigan ayaa si gaar ah ugu shaqayn doono arrimaha amniga doorashooyinka sida lagu sheegay war ka soo baxay  xafiiska Madaxwaynaha waqtiga uu ka sii dhamaanayo ee Saciid Cabdullaahi DENI.

Shir magaalada Garoowe ay ku yeesheen xubno ka mid ah  mucaaradka ayay ku sheegeen , in Guddigaas uu yahay mid aan dhax dhaxaad ahayn oo dano gaar ah laga leeyahay.

Qoraal wadajir ah oo ay soo saareen musharrixiinta qaarkood ayay ku diideen guddiga xallinta Khilaafaadka oo ay ku tilmaameen kuwa aan dhex-dhexaad ahayn.

Waxay sheegeen in xubnaha  guddiga xallinta Khilaafaadka ee la magacaabay lagu saleeyay qaraaba-nimo iyo xubno ka tirsan xisbiga xukuumadda ee Kaah.

Musharrixiinta ayaa sidoo kale sheegay in aysan marna aqbali doonin in boob lagu sameeyo xulista xildhibaannada cusub Baarlamanka Puntland.

Leave a Reply

Your email address will not be published.