Faah faahin: Labo Weriye oo Rug-cadaa ah oo geeriyooday

Faah faahin: Labo Weriye oo Rug-cadaa ah oo geeriyooday

Muqdisho (Raxanreeb Online) Alle hau naxariisto waxaa sacaadihii lasoo dhaafay geeriyooday Maxamed Aweys Muudey ( Boqorka Bartamaha ) iyo Xasan Kaafi Cabdiraxmaan ( Qoyste) oo ahaa labo weriye oo rug cadaaha soo shaqeeyey xiliyo adag.

Wariye Boqorka Bartamaha ayaa shalay ku geeriyooday isbitaal ku yaalla dalka Jarmalka, kaddib dhaawac culus oo ka soo gaaray weerar uu nin Soomaali ah tooreey ku dhuftay.

Dhinaca kale kale wariye Xasan Kaafi Qoyste oo muddo dheer ka soo shaqaynayay warbaahinta gudaha iyo midda dibada ayaa saaka si kedis ah ugu geeriyooday kaddib xanuun soo wajahay magaalada Muqdisho.

Bahda saxaafadda Soomaalida iyo qaar kamid ah madaxda Soomaaliya ayaa ka tacsiyeeyay geerida labada wariye, oo wax badan u soo qabtay bahda Saxaafadda Soomaaliyeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published.