Maxaa manta ka socda degmada Balad-Xaawo ee gobolka Gedo

Maxaa manta ka socda degmada Balad-Xaawo ee gobolka Gedo

Balad-xaawo ( Raxanreeb Online) Wararka inaga soo gaaraya degmada Balad-Xaawo ee Gobolka Gedo, ayaa sheegaya in ay socdaan dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ay sameynayaan ciidamo kala taabacsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland.

Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa la sheegay inay si toos ah uga amar qaataan dowladda dhexe, halka dhinaca kale ay magaalada iyo nawaaxigeeda ka jiraan ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Jubbaland.

Dhaqdhaqaaqyada ciidan ayaa kusoo beegmaya xilli ay jirto xiisad siyaasadeed iyo mid amni oo ka taagan Gobolka Gedo, gaar ahaan gacan-ku-haynta iyo maamulka degmada Balad Xaawo.

Xaaladda magaalada ayaa hadda u muuqata mid xasaasi ah, iyadoo labada dhinac ay wadaan abaabul iyo dhaqdhaqaaqyo ciidan. Shacabka deegaanka ayaa walaac ka muujinaya in xiisadda taagan ay isu beddeli karto iska horimaad haddii aan xal siyaasadeed laga gaarin.

Balad-Xaawo ayaa ah magaalo muhiim ah oo ku taalla xadka Soomaaliya iyo Kenya, waxaana xaaladdeeda amni ay saameyn ku yeelan kartaa shacabka, ganacsiga iyo isu-socodka labada dal.

Leave a Reply

Your email address will not be published.