Faah faahin: weerar ka dhacay buuraha Calmiskaad

Boosaaso ( Raxanreeb Online) Wararka anu ka heleyno buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari, ayaa sheegaya in xalay ay kooxda Daacish, weerar jid gal ah ku qaaday gaari Ambalaas, oo kasoo laabtay qaadista askartii ku dhaawacntay weerarkii habeen ka hor ka dhacay Dhadaar.

Weerarka ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka Daraymadoobe ee togga jaceel oo u dhaxeeya Dhadaar iyo Tuurmasaale.

Weerarka ayaa waxaa la sheegay in hal askari uu ku dhintay, sidoo kalana la la’yahay dhaqtarkii la socday gaariga, iyada oo askartii kale ay ka badbaadeen weerarka.

Weli saraakiisha ciidanka Puntland, kama aysan hadlin weerakii xalay iyo habeen hore dhacay, kuwaasi oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Deegaanada ay weerarada ka dhaceen, waxaa ka go’an isgaarsiinta oo ay Daacish jartay, waxaana yar macluumaadka laga heli karo deegaanka.

Sikastaba muddooyinkii dambe, waxaa soo badanaya weerar gaadmada ah ee ay geysanayaan kooxda Daacish, ee u dhuumaaleysanaya buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.

Leave a Reply

Your email address will not be published.