Baydhabo (Raxanreeb Online) Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo saakay ciidanka dowladda iyo ciidamo taabacsan Lafta-gareen oo ka dhacay gudaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Dagaalka ayaa si gaar uga dhacay halka loo yaqaano afar Irdoodka, oo ah xudunta magaalada, ayna ku dhow yihiin xarumaha amniga ilaa wasaaradaha, waxaana dagaalka uu geystay khasaaro kala duwan.
Ciidamadan ayaa gaaray qalbiga magaaladan, waxaana saaka aroornimada hore lafilayay in la dhaariyo xildhibaanadii kusoo baxay doorashadii ay Dowladda federaalka ku qabatay magaaladan, taas oo aan wali lagu guuleysan.
Afhayeenka ciidanka taabacsan Laftagareen ayaa ku dhawaaqay in ay magaalada qabsadeen, hayeeshee dhinaca kale maamulka KMG ah ayaa beeninayay, iyada oo gudaha magaalada lagu arkayay ciidanka dowladda Federaalka.
Ilaa iyo hadda si dhab ah looma oga khasaaraha dagaalka uu geystay.
Wixii kusoo kordho warkan halkan kala soco.

Leave a Reply