Gaalkacyo (Raxanreeb ) Dowladda Somalia way ka gaabsatay ka hadalka dagaal iyo qaraxyo Al-Shabaab ku qaaday tuulada miyaga ku taalla ee Ceel La-helay ee gobolka Galgaduud Jimcihii shalay.
Warbaahinta gudaha ayaa iyana aan awoodin inay goobta gaarto, halka wariyayaasha tirada yar ee wararka ka baahinaya Muqdisho ay wajahayaan hanjabaado ka reebaya inay xaqiiqada jirta dadka u sheegaan.
Hase yeeshee kooxda Al-Shabaab ayaa dhankeeda baahisay sawiro ay ku sheegtay laga soo qaaday dagaalkii ka dhacay Ceel La-helay oo ah qiyaastii 50km u jirta Dhuusamareeb.
Al-Shabaab waxay sheegtay in 71 askari ay dileen oo ay ku jiraan ciidanka Mareykanku tababaray ee Danab.
Al-Shabaab waxay kaloo sheegtay in gaadiid dagaal iyo hub ay ku qabsatay dagaalka.
Ma jirto cid ka madax-bannaan oo xaqiijineysa sheegashadan. Al-Shabaab ma sheegin khasaaraha gaaray dhankooda.
Baraha bulshada waxaa saacidiihii lasoo dhaafay ku faafay dad u tacsiyeynaya xubno ka mid ah qoysaskooda oo ku geeriyooday weerarka Jimcihii ka dhacay Ceel La-helay. Dadkaasi dhammaantood ayaa ah askar iyo xubno ka tirsana maleeshiyaad beeleedka la socda ciidanka dowladda ee la dagaalamaya Al-Shabaab.
Ilo wareed dhanka amniga oo kusugan Dhuusamareeb ayaa sheegay in ciidanka dowladda oo Jimcihii kasoo baxay Ceel La-helay ka dib markay Al-Shabaab soo weerareen ay dib ugu laabteen Subaxdii Sabtida, ka dibna ay bilaabeen hawlgalo roondo ah.
Waxaa sidoo kale soo baxaya in 8 gaadiid oo kuwa dagaalka oo isugu jira 3 ciidanka NISA ay lahaayeen iyo 5 ay leedahay beesha Dududle ay Al-Shabaab ku qabsadeen weerarkii Ceel La-helay.
Dhanka kale, waxaa deegaanka ka maqan Madaxweynaha Galmudug, Axmed Qoorqoor oo sida la xaqiijiyay dhaawac fudud kasoo gaaray weerar ismiidaamin ah oo subaxnimadii Jimcaha Al-Shabaab kula beegsatay tuulada Laaso Gacamey ee gobolka Mudug.
Leave a Reply