FAAHFAAHIN : Inta uu la eg- yahay qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Hiiraan.

FAAHFAAHIN : Inta uu la eg- yahay qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Hiiraan.

Buulaburde (Raxanreeb ) Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax ismiidaamin ah oo maanta oo khamiis ah ka dhacay degmada Buulaburde ee gobolka Hiiraan.

Qaraxan oo jugtiisa laga maqlay inta badan degmada Buulo Burde ayaa loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey, waxaana uu ka dhacay Suuqa degmadaas.

Ugu yaraan illaa 8 qof ayaa ku dhintay qaraxan, halka ay ku dhaawacmeen 15 kale, sida uu xaqiijiyay guddoomiyaha degmada Buuloburde oo faahfaahin ka bixiyay qaraxaasi.

Dadka qaar ayaa lagu soo waramayaa in xaaladooda ay aad u liidato waxaana la sheegayaa in khatar ay tahay marxalada ay hadda ku sugan yihiin.

Degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraa. ayaa kamid ah degmooyinka ay ka socdaan howlgalka ka dhanka ah  Al-Shabaab, waxaana ku sugan ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.