FAAHFAAHINTA & Inta uu la eg yahay qarax miino oo dhacay duleedka Muqdisho.

FAAHFAAHINTA & Inta uu la eg yahay qarax miino oo dhacay duleedka Muqdisho.

Raxanreeb (Afgooye ) -10 qof oo dhimasho ah iyo tiro kale oo dhaawac ah ayaa ka dhashay Qarax ka dhacay Deegaanka Xaawa Cabdi ee Duleedka Magaalada Muqdisho.

Dhamaan dadka waxyeeladu ay gaartay ayaa ahaa rayid gaariga ku safrayay, waxaana dhaawacyada qaar la keenay isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa loo adeegsaday miino lagu aasay wadada gaar ahaan inta u dhexeysa degaanada Xaawo Cabdi iyo Lafoole, waxayna la kacday gaari nooca hoomeyda oo wadada marayey.

Saraakiil ka tirsan Dowladda oo goobta gaaray ayaa sheegay in weerarka qarax ee miimo ay ka danbeeyaan kooxda Al – Shabaab sida ay sheegeen.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyada qaraxa miino ee dhulka la galiyay kaas oo ay ku waxyeeloobeen dad shacab ah oo waddada ku safrayay.

Dhawr jeer waddda xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye  waxaa ka dhacay qaraxyo miino oo lala eegtay Ciidammo ka tirsan dowladda  iyo  ATMIS, waxaana mararka qaar ay khasaaro kasoo gaartaa dad Shacab ah.

Wixii ku soo kordha kala soco

www.raxanreeb.com.

Leave a Reply

Your email address will not be published.