XUSUUS : Shan sanno ka hor & Qaraxii Soobe 14-ka Oktoobar 2017 .

XUSUUS : Shan sanno ka hor &  Qaraxii Soobe 14-ka Oktoobar 2017 .

Muqdisho (Raxanreeb ) Maanta oo kale shan sanno ka hor 14-kii October waxa magaalada Muqdisho ka dhacay qarax aad u xooggan badan kaas oo lagu tilmaamo kii ugu saamaynta badnaa taariiqda oo ka dhacay Soomaaliya , isla markaana uur- ku taallo ku reebay dad badan oo Soomaaliyeed oo ilaa iyo hadda maxkaxdooda ka go’in.

Gaari nooca xamuulka qaado ah ayaa galab Sabti ah, xilliga salaadda Casir, oo ku beegnayd 14 October 2017, ku qarxay isgoyska Soobe.

Muuqaal ay duubtay kaamirada amniga oo la baahiyay waxaa laga arkay waddada oo ay gawaari badan ku jiraan, saxmad aad u sareysana ay ka jirtay, iyo gaariga qarxay oo xawaare ku socday, ka dibna ku qarxay bartamaha wadada.

Sanad walba maanta oo kale ayaa dib loo xasuustaa qaraxaan, hayeeshee ma muuqato in Dowladda iyo shacabka ay wali cashir ka barteen , haddana wali waxaa sii socda dhiig-baxa iyo qaraxyada gilgilaya Muqdisho, lama hayo xal amni oo la isku hallayn karo.

Qaraxaas ayaa xasuus ku reebay qaar badan oo ka mid ah dadka Soomaalida ah gaar aahaan kuwa ku nool Muqdisho waxaana jira dad ilaa iyo hadda la la’yahay nolol iyo geeri doona loona badinayo in ay dhinteen.

Dadkii goobjooga u ahaa ama ka badbaadayba qaraxa maalintaas dhacay oo qaarkood dhaawac jireed & Mid maskaxeed soo gaaray ayaa sheegay in xusuustooda aysan ka go’in wixii maalintaas dhacay oo ilaa iyo hadda ay xusuustaan.

Muqdisho xiligaas kuma cusbeen qaraxyada, balse waa uu ka jug weynaa kuwii dhici jiray, durba qof waliba oo dadkiisa waayay, ayaa xilligaas gaaray Isgoyska Soobe oo ah halka mashaqadu ay ka dhacday.

Tirakoob la sameeyay ayaa lagu sheegay in ay qaraxii Soobe ku dhinteen in ka badan 500 oo ruux, isla markaana uu dhaawacyo kala duwan soo gaaray ku dhawaad 300 oo qof, islamarkaana lagu waayey ,dad gaaraya 54- oo ilaa haddda aan la ogeyn meel ay ku dambeeyeen raq iyo ruuxba.

Qaraxii Soobe oo ahaa kii ugu murugada badnaa ayaa waxaa marka laga soo tago khasaaraha nafeed ee soo gaaray dadka Soomaaliyeed waxaa ku burburay hanti lagu qiyaasay $6.3 Milyan oo isugu jirtay nuucyada adeegyada Ganacsiga, gawaarida iyo dhismayaal kale.

Waxaa isku dubariday Weriyaha RBC

Hanad Ali Guled

Leave a Reply

Your email address will not be published.