Muqdisho (Raxanreeb ) In ka badan 15 qof ayaa ku geeriyootay tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen ka dib qarax ismaadaamin ah oo ka dhacay xerada Nac Naca ee degmada Wadajir.
Waxaa fuliyay qaraxa qof isku soo xiray waxyaabaha qaraxa xilli ay socotay qorista dhallinyaro doonaysay in loo qaato ciidanimo.
Qarax kale ayaa la xaqiijinayaa inuu ka dhacay degmada Xamaejajab ee magaalada Muqdisho , lama sheegin wax khasaarahaha wali.
Magaalada ayaa waxaa ka jira cabsi xooggan, gaar ahaan dhanka waddada Maka Al-Mukarama, ayada oo ay jirto cabsi ah inay qaraxyo kale dhici karaan.
kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay qaraxa ka dhacay Xero Nacnac, oo ay ku tilmaameen “howlgal guuleystay” oo ay uu fuliyey dagaal-yahan ka tirsanaa kooxda.
Dowladda Soomaaliya wax faahfaahin ah ma aysan ka soo saarin qaraxan sababta u ahaa qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa.
Kala soco wixii ku soo kordha
www.raxanreeb.com.
Leave a Reply