Xildhibaan ‘’Dagaalka gaba gaba ayuu marayaa‘’

Beledwayne (Raxanreeb ) Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa sheegay in wax wayn oo la taaban karo ay ka qabteen dagaalka ka socda gobolka Hiiraan ee ay iska kaashanayaan kooxaha Macwiislayda iyo Dowladda Fedeeraalka Soomaaliya.

Sambaloolshe ayaa sheegay in dagaalkan  ka bilowday   gobolka Hiiraan uu tusaale u yahay sida shacabka Soomaaliyeed ay u diidan yihiin culayska  kooxda Al- Shabaab ay ku hayaan dadka shacabka ah ee dalka ku nool.

Intaas waxaa uu warkiisa ku daray in loo baahan yahay in la dhamaystiro kooxda Al Shabaab oo laga saaro dhamaan deegaanada gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Hadalkan waxa uu ka sheegay Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe mar uu la hadlayay qaar ka mid ah kooxaha Macwiislayda ee dagaalka kala soo horjeeda Kooxda Al- Shabaab.

Sambaloolshe ayaa xusay , in ay muuqanayso in  gobolada deriska ay ku daydeen beelaha degan gobolka Hiiraan kuwaas oo diyaar u ah in ay iska dulqaadan kooxda Al- Shabaab.

Degaanada gobolka  Hiiraan ayaa ah meelaha ugu badan ee ay ka socdaan howlgalada ka dhanka ah Al- Shabaab  halkaas oo lagaga guulaystay kooxda  meelo badan oo gobolka ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.