FAALLO : Bandhigyada Hay’adda NISA  Waa karti xumo ?!!

FAALLO : Bandhigyada Hay’adda NISA  Waa karti xumo ?!!

Muqdisho (Raxanreeb ) Hufnaanto shaqo ee Hay’adda NISA ayay dad badan aaminsan yihiin in shaki badan ay galin karto bandhigyada   lagu xayaysiinayo shaqada Hay’adda oo xargaha goystay.

Dhallinyaro , isticmaasha baraha bulshada ee ku wanaagsan dacaayadaha ayay Hay’addu howlgalisay bedelkii xoogga ay saari lahayn shaqadeeda saxda ah ee xooraansiga iyo keenista xog lagu duuli karo go’aana lagu gaari karo.

Dad badan ayaa su’aal galiyay  labadii maalin ee Hay’adda NISA magaalada Muqdisho ay ku soo – bandhigaysay , Konteenaro hub siday oo Hay’addu sheegtay in loo waday Al- Shabaab.

Hay’addu ma aysan soo bandhigin  in ay jiraan shaqsiyaad loo hayo magacyadooda ama halka ay  joogaan midna , taasna waxay keentay in  shaki badan laga keeno tabarta Hay’adda NISA

Dad isticmaala Baraha bulshada ayaa is waydiinaya sida ay suurtagal ay ku tahay in Hay’adda keliya agab ciidan ay soo bandhigto  oo aan la ahayn shaqsiyaadka arintaan ka danbeeya iyo  cida u rarnayeen saanada ciidan.

Xildhibaan Dayax Omar oo ka mid ah mudanayaasha Golaha shacabka ayaa bartiisa Facebook , ku qoray in markaan sheekadu laga weeciyay 50 – Al Shabaab ah ayaa dilay oo mowjadu hadda ay saran tahay hubaa la qabtay.

‘’Kontenaradaan dadkii ku qornaa away? Mise qolo lagu nabo ayaa laradinaa !Away dadkii lahaa? ‘’ ayuu yiri  markale xildhibaan Dayax Omar.

Waxaa la rumaysan yahay in ay Hay’adda NISA lacag badan ay ku bixinayso bandhigyada aan jirin ee keeni karta in dadka ay ka aamin baxaan hufnaanta shaqo ee NISA.

In muddo ah Hay’adda NISA waxay si joogta ah  lacag ugu bixinaysay in la baahiyo wararka ku saabsan , in 50- meeyo Al- Shabaab ah ay dishay  taas oo markii dambe caan noqotay oo markii dambeba si tartiib tariib ah loo joojiyay  .

Bandhigyadan ayaa sabab u noqday markii dambe in Taliyaha Hay’adda NISA loogu Waco  magaca ah ‘’Mahad 50 dile ‘’ oo loo faristay tabar darrida Taliyaha hogganka u haya Hay’adda.

Waxaa hubaal ah in bandhigyada loogu gol- leeyahay in meesha laga saaro waxqabad la’aanta , Taliyaha Hay’adda NISA Mahad  Salaad oo qiimo kasta ku bixinaya markan wararka been abuurka ah ee loo samaynayo Hay’adda.

Leave a Reply

Your email address will not be published.