Muqdisho (Raxanreeb ) Caasimadda waxaa ka jira xaalad hubaal la’aan ah oo la xiriirta ammaanka Muqdisho oo muddo todobaad gudahooda ay ka dhaceen falal amni daro oo waa wayn kuwaas oo shaki galiyay hufnaanta laamaha amniga ee Dowladda Soomaaliya.
Magaalada oo ay ka dhaceen , saddex qarax oo kii ugu dambeeyay uu ahaa kii ka ka dhacay xerada ciidamada Jeneral Dhagabadan degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho ayaa ugu sii daray amaanka magaalada Muqdisho oo markiiba horeba ahaa mid aan sal-fadhin.
In ay ka dhacaan magaalada Muqdisho qaraxyada ayaa quburrada amniga waxa ay ku sifaynayaan in ay tahay tabar-darrida Hay’ada NISA iyo la xisaabtan la’aanta saraakiisha amniga oo hadii ay sii socoto keeni karta in ay gaarto meel ka khatar badan halka maanta la joogo.
Dhawaaqa aan wanaagsan ee ah in Kooxda Al- Shabaab ay beegsanayo meelo muhiim ah oo caasimada ayaa sabab u noqday sidoo kale in meelaha qaar ay la faarujiyo cabsi laga qabo digniinta amniga ee soo baxaysa , iyadoo maanka lagu wixii ka dhacay caasimadda maalmo is xig xiga oo mugdi u ahayd shacabka Soomaaliyeed.
Dilal qorshaysan ayaa bar- bar socda qaraxyada kuwaas oo si joogta ah uga dhacaya magaalada Muqdisho , taasna waxa ay sii kordhisay walwalka laga qabo amaanka oo dadka qaar ay ku tilmaamayaan ku dhax noolasho marxalad ‘’ khatar ‘’ ah oo aan jirin isgoys loogu gudbo.
Kooxda Shabaab oo dagaal uu ugu furan yahay gobolada qaar ee dalka ayaa qubarada amniga waxa ay sheegayaan in ay keentay in markaan culayskooda soo saran – caasimadda si ay u muujiyaan jiritaankooda isla markaana aysan jirin xaga Dowladda qorshe la taaban karo oo ay dejisay arintaas.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo la hadlay TV –ga Dalsan ee fadhigiisu yahay Muqdisho ayaa shaki galiyay suurtagalnimada in amniga caasimada la xaqiijiyo iyadoo madaxda Dowladda aanay waxba iska waydiin saraakiisha da’da yare ee daaraha qurxoon ka dhisanaya caasimadda kuwaas oo daqliga soo gala bishii uu gaarayo 800 oo doolar oo keliya.
Hadalka Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa bam ku qarxiyay laamaha amaanka ee Dowladda oo markii horeba shaki laga qabay in falalkan oo dhan ay u dhacayaan isku milanka Dowladda iyo kooxda Al- Shabaab.
Si kasta magaalada Muqdisho , waxaa dul hogganayo daruuro amni daro oo looga fadhiyo dowladda Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud in ay la timaado talaabooyin wax ku ool- ah oo muwaadiniinta ka dejin karo rarka amni darro ee ay dusha u saran.
W.Q Hanad Ali Guled.
Leave a Reply