Madaxweyne Laftagareen abaabul dagaal ayuu ka wadaa gobolka Bakool.

Ceelberde  (Raxanreeb ) Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa  maanta oo Isniin ah gaaray Degmada Ceelberde ee Gobolka Bakool, halkaas oo lagu soo dhoweyey.

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa kulan la qaaday Odayaasha Dhaqanka Degmada Ceelberde ee Gobolka Bakool oo kala hadlay Doorkooda ku aadan ka qeyb-qadashada Dagaalka lagu Ciribtirayo Khawaarijta Alshabaab.

Sidoo kale Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool waxaa uu  kulan kula  qaatay Saraakiisha ku sugan degmada Ceelberde  oo ay ka wada haleen xoojinta howlgalka ka dhanka ah Al- Shabaab

Degmada Ceelberde ee Gobolka Bakool waxaa ka socda u diyaar Garowga Howlgallo ka dhanka ah Al-Shabaab oo la doonayo in looga xoreeyo deegaanada ay kaga sugan yihiin Koonfur Galbeed.

Deegaanada maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa ka bilowday abaabulka dagaalo ka dhan ah Al -Shabaab,  abaabulka xoogiisa waxaa uu ka socdaa degmooyinka Xudur iyo Ceelberde ee katirsan gobolka Bakool.

Leave a Reply

Your email address will not be published.