Sidee Dowladda Soomaaliga uga hadashay dagaalkii ka dhacay Qaayib ?

Dhuusmareeb (Raxanreeb ) Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah faahfaahin dheeraad ah waxa ay ka bixisay dagaal kooxda Al- Shabaab ku qaaday magaalada Qaayib ee degmada Baxdo ee gobolka galgaduud bartamaha dalka.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya Cabdullaahi Cali Caanood ayaa sheegay in milatariga Soomaaliya iyo Dadka degaanka ay Al-Shabaab ku jabiyeen dagaal ka dhacay magaalada Qaayib ee degmada Baxdo.

Waxa uu sheegay Afhayeenka in kooxda Al- Shabaab  saaka weeraro ismiidamin ah ku qaadday saldhig miltariga Soomaaliya ku leeyihiin deegaanka Qaayib oo ka tirsan gobolka Galgaduud

General Caanood ayaa sidoo kale warbaahinta Qaranka u sheegay inay khasaaro gaarsiyeen kooxda Al-Shabaab.

Ma jiro ilo madax bannaan oo xaqiijinaya sheegashada sargaalkan, waxaana aad u adag isgaarsiinta deegaanka Qaayib ee saakay dagaalka culus ka dhacay, lamana oga ilaa hadda khasaaraha ka dhashay dagaalka ka dhacay deegaanka Qaayib ee hoostaga Baxdo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.