FAALLO : Dhaliilaha amni  ee jira & habacsanaanta Hay’adda  NISA.

FAALLO : Dhaliilaha amni  ee jira & habacsanaanta Hay’adda  NISA.

Muqdisho (Raxanreeb ) Caasimadda waxaa ka jira xaalad hubaal la’aan ah oo la xiriirta ammaanka Muqdisho oo muddo todobaad gudahooda ay ka dhaceen falal amni daro oo waa wayn kuwaas oo shaki galiyay hufnaanta laamaha amniga ee Dowladda Soomaaliya.

Magaalada oo  ay ka dhaceen , saddex qarax oo kii ugu dambeeyay uu  ahaa kii ka  ka dhacay xerada ciidamada Jeneral Dhagabadan  degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho ayaa  ugu sii daray amaanka magaalada Muqdisho oo markiiba horeba ahaa mid aan sal-fadhin.

In ay ka dhacaan magaalada Muqdisho qaraxyada  ayaa    quburrada amniga waxa ay ku sifaynayaan in ay tahay tabar-darrida  Hay’ada NISA  iyo la xisaabtan la’aanta saraakiisha amniga oo hadii ay sii socoto keeni karta in ay gaarto meel ka khatar badan halka maanta la joogo.

Dhawaaqa aan wanaagsan ee ah in Kooxda Al- Shabaab ay beegsanayo meelo muhiim ah  oo  caasimada ayaa sabab u noqday sidoo kale  in meelaha qaar ay la faarujiyo cabsi laga qabo digniinta amniga ee soo baxaysa , iyadoo maanka lagu wixii ka dhacay caasimadda maalmo is xig xiga oo mugdi u ahayd shacabka Soomaaliyeed.

Dilal  qorshaysan ayaa bar- bar socda qaraxyada kuwaas oo si joogta ah uga dhacaya  magaalada Muqdisho ,  taasna waxa ay  sii kordhisay walwalka laga qabo amaanka oo dadka qaar  ay ku tilmaamayaan  ku dhax noolasho marxalad  ‘’  khatar ‘’ ah oo aan jirin isgoys loogu gudbo.

Kooxda Shabaab oo  dagaal uu ugu  furan yahay gobolada qaar ee dalka ayaa  qubarada amniga  waxa ay sheegayaan in ay keentay in markaan   culayskooda soo saran – caasimadda si ay  u muujiyaan jiritaankooda isla markaana aysan jirin xaga Dowladda qorshe la taaban karo oo ay dejisay arintaas.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur  Warsame oo la hadlay TV –ga Dalsan ee fadhigiisu yahay Muqdisho  ayaa shaki galiyay suurtagalnimada in amniga caasimada la xaqiijiyo   iyadoo  madaxda Dowladda aanay waxba iska waydiin saraakiisha da’da yare ee  daaraha qurxoon  ka dhisanaya  caasimadda kuwaas oo daqliga soo gala bishii uu gaarayo  800 oo doolar oo keliya.

Hadalka Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa bam ku qarxiyay laamaha  amaanka ee  Dowladda oo markii horeba shaki laga qabay in falalkan oo dhan ay u dhacayaan isku milanka Dowladda iyo kooxda Al- Shabaab.

Si kasta magaalada Muqdisho , waxaa dul hogganayo daruuro amni daro oo looga fadhiyo dowladda Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud in ay la timaado talaabooyin wax ku ool- ah oo muwaadiniinta ka dejin karo rarka amni darro ee ay dusha  u saran.

W.Q Hanad Ali Guled.

Leave a Reply

Your email address will not be published.