FADEEXO :  Safiirka Soomaaliya ee Liibiya oo dhaleeceeyn la kulmay.

FADEEXO :  Safiirka Soomaaliya ee Liibiya oo dhaleeceeyn la kulmay.

Tripoli  (Raxanreeb )- Safiirka Soomaaliya u fadhiya Tripoli  oo xiran dharka dhaqanka dalka Liibiya aya dhaliyay hadal hayn badan oo la xiriirta jabinta xeerka dhaqanka Soomaalida.

Talaabada uu qaaday safiirka la magacaabay ayaa loo arkay mid gaf ku ah dhaqanka Suubaan ee Soomaalida bedelkii uu xiran lahaa dhaqanka dhaqanka Libiya ay haboonayd inuu xirto kan Soomaalida ay leeyihiin.

Safiirka Soomaalida ee Liibiya Cabdi Aadan Diiriye ayaa lagu dhaleeceeyay inuu hoos u dhigay maqaanka diblamasiyadeed ee Soomaaliya maadama uu qaaday talaabo aan haboonayn.

Danjire Diiriye ayaa dad badan oo ka fal-celiyay arrintan waxay sheegeen in ugu yaraan ay aheyd inuu xirto dharka hidaha iyo dhaqan ee dalka uu metelayo ee Soomaaliya.

Si kastaba madaxweynaha Golaha Madaxtooyada Liibiya Dr. Maxamed Yuunis Al-Manfi ayaa warqadaha aqoonsiga danjirannimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Soomaaliya u qaabilsanaan doona dalka Liibiya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.