Muqdisho (Raxanreeb) – Ku simaha wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Cali Balcad ayaa warar soo baxaya waxa ay sheegayaan inuu si khalad ah ugu faa’iidaystay ku simaha xilka wasiirka arrimaha dibadda.
Cali Balcad ayaa la sheegay inta uu hayay xilka ku simaha wasiirka arrimaha dibadda inuu shaqaaleysiiyay dad iska ku hayb ah isla markaana uu cayriyay kuwo kale.
Diblomaasiyiinta uu ku xadgudbey Cali Balcad ayaa ku kala sugan dalalka, Turkiga, Switzerland, Kuweyt, Qatar, Shiinaha, Boqortooyada Sucuudiga iyo dalal kale.
Guddiga Arrimaha Dibadda Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa wada mooshin qabyo-qoraal ah, ahna Kalsooni-kala noqosho Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cali Balcad.
Cali Balcad oo ah wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda ayaa xilka wasiirka arrimaha dibadd au haya si kumeel gaar a kadib markii Wasiirkii hore Abshir Cumar Huruuse uu iska casiley xilkaas bishii Diseembar 2023
Leave a Reply