Muqdisho (Raxanreeb )-Sheekada ah dastuur ayaa la dhammeystirayaa oo kumeel gaarka ayuu ka baxayaa waa mid aan bislayn waayo dastuurkan wax kasta oo laga baddalo wuxuu wali ahaanayaa kumeel gaar ilaa laga helo afti dadwayne oo uu ku noqdo mid rasmi ah. Sidoo kale, inta ay Somaliland maqantahay oo dalkuna uu kala qoqoban yahay dastuurku kama baxayo kumeel gaar. Maxay tahay xikmadda ka dambeysa in mid heshiis lagu yahay oo qabyo ahaa lagu baddalo mid kaloo cusub oo aan heshiis lagu ahayn oo misana qabyo kale ah!
Mudane Xamze Cabdi Barre waa masuulkii ugu horreeyey oo taariikhda ku galay inuu horboodo xeer ku dhawaaqaya inuu yahay Ra’iisal Wasaarihii ugu dambeeyey ee dalka.
Baarlamaanka 11aad isaguna malaga yaabaa inuu ku daydo Mudane Xamze oo ay u codeeyaan dastuurkan uu isku cabiray Madaxweynaha ee lagu tirtirayo dhammaan awoodihii Baarlamaanadii dalka soo maray oo idil?
Leave a Reply