Maleeshiyaad ku dagaallamaya degmada Diinsoor

Maleeshiyaad ku dagaallamaya degmada Diinsoor

Muqdisho (Raxanreeb) — Dagaal beeleed ka socda degmada Diinsoor, Gobolka Baay, ee Koonfur Galbeed, ayaa la sheegayaa in dagaalkan oo u dhaxeeyo labo malleeshiyo beeleed oo ku sugan halkaasi.

Ilo wareedyo ku sugan halkaasi, ayaa kusoo sheegaya in dagaalkan oo u dhaxeeya labada Maleeshiyo beeleed in uu yimid kaddib markii waan-waan lagu xalinayo dagaalkooda ay ka billaabatay degmada Diinsoor ee gobolkaasi.

Odayaasha dhaqanka ee labada dhinac ayaa ku baaqay in kulan deg deg ah, la isku yimaado oo xabad joojin la sameeyo kadibna la kala qaado labada maleeshiyaad, ee ku dagaallamaya, halkaasi.

ATMIS ciidamo ka tirdan oo ku sugan Diinsoor, ayaa la sheegayaa in iyagana ay wadaan dadaallo ay ku dhalinayaan xabbad-joojin si ciidamado loo kala dhex-dhigo maleeshiyaadkani ku dagaallamaya degmada Diinsoor.

Sidoo kale masu’uliyiin katirsan Koonfur Galbeed, iyo kuwoo xubno ka ah, DF ee kasoo jeedaa degmadaasi ayaa iyagana wada dhankooda waan waan iyo in ciidamo la kala dhex dhigo maleeshiyaadkan.