Fahad Yasin ‘’Xamse ma aha inuu ka hadlo doorasho ha xusuusto Jubbaland  2019’’

Fahad Yasin ‘’Xamse ma aha inuu ka hadlo doorasho ha xusuusto Jubbaland  2019’’

Doha (Raxanreeb )- Taliyihii hore ee Hay’adda NISA Fahad Yaasiin  Xaaji Daahir ayaa si layaab leh  ugu falceliyay hadal shalay ka soo yeeray Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Bare oo uu kaga hadlay doorasho qof iyo cod ah.

Fahad Yaasiin ayaa sheegay in nasiib darro ay tahay in waqtigan Xamse Cabdi Barre uu ka hadlo doorasho daah furan isaga oo tusaalle u soo qaatay doorashadii Jubbaland.

Waxa uu sheegay Fahad Yaasiin hadalkii shalay kasoo yeeray Ra’isul Wasaare Xamse Barre in ay ka fahmeen sababta uu Madaxweyne Xasan Sheekh uu xilkan ugu magacaabayba in ay aheyd in uu maamulo doorashada soo socota ee 2026.

”Shalay ayaad na fahamsiisay sabata uu Madaxweyne Xasan Sheekh kuugu magacaabay xilka Ra’iisul Wasaarha dalka, waana inaad maamusho doorashada soo socota ee 2026” ayuu yiri Fahad Yaasiin.

Sidoo kale wuxuu ku eedeeyay Xamza inuu horay si xun ugu soo maamulay doorashadii Jubbaland ee 2019-kii, maadaama uu ahaa guddoomiyihii gudiga doorashada maamulkaas.

Waxaa kale oo uu tilmaamay in ra’iisul wasaaraha ay haboon tahay in uusan ka hadlin hufnaan doorasho, balse uu dib u xasuusto wixii uu horay usoo sameeyay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.