Falastiiniyiinta ayaa gantaalo ku garaacay dhulka Israa’iil

Falastiiniyiinta ayaa gantaalo ku garaacay dhulka Israa’iil

Tel Aviv (Raxanreeb)  Madaafiic ayaa lagu garaacay saakay dhulka ey Isra’iil xooga kudagantahay waxaana madaafiicdan ayaa lagu soo waramayaa in ey kugaraaceen xoogagga Falastiiniyiinta ey kutuureen dhulka marinka Gaza.

Sidoo kale, Wax kabadan 10 gantaal ayaa lagu garaacay dhulka Israa’iil ey gacanta kuheyso waxaana seeriga duulaanka cirka laga yeeriyay Israa’iil waxaan aad looga maqlay aaga weyn ee Tel Aviv.

Dhanka kale, war kasoo baxay Xafiiska R/Wasaaraha ayaa lasheegay in uu shir deg deg ah uu isugu yeeray madaxda ammaanka Israa’iil shirkan ayaa waxaa looga hadli doonaa sidii loogu jawaabi lahaa weerarka gantaalada ee lagu soo tuuray Israa’i

Israa’iil ayaa weeraro culus oo jawaab celin ah geesta marka ay duqeymo kala kulmaan dagaalyahannada hubeysan ee Falastiin, waxaana laga cabsi qabaa in Israa’iil jawaab khasaro badan dhalisa qaado.

Leave a Reply

Your email address will not be published.