Nairobi ( Raxanreeb ) – Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa Salaasadi saxiixay Amar Madaxweyne oo tirsigiisu yahay 13536 kaasoo Madaxweynuhu ku iclaamiyay in Somalia ay khatar qeyrul-caadi ah ku tahay Amniga Qaranka & Diblomaasiyada Dibada ee Mareykanka.
Amarka Madaxweyne Mareykan (Executive Order) kan oo ah mid dib loo cusbooneeyay waxaa horay 2012-ki dhaqan-geliyay Barack Obama mudo-xilleedki hore ee Xassan Sh. Maxamuud.
Aqalka Cad ee Mareykanka looga arimiyo waxay markale Xukuumada Xassan Sheekh ku eedeysay inuu xakameyn waayay Koboca Dhaqaalaha ee Argagixisada si gaara Ganacsiga Dhuxusha sababi kara 2 halis oo waaweyn:- 1. Xaalufinta Dhirta 2. Argagixisada oo ka hesha qarash badan oo ay Nabada ku khalkhal galiyaan. Arintaan waxay si gooni u far-muuqeysaa Axmed Madoobe.
Joe Biden, Amarkan Madaxweyne uu saxiixay waxaa uu dhaqan-geliyaa Beri April 12, 2024 waxa uuna socon doonaa 12 bilood. Mudada sannadka ah hadii ay Somalia arintaas wax u qaban weydo waa la sii kordhin doonaa, sidi marar badan oo hore.
Sidoo kale : Safaaradda waxay ku dhiirigelinaysaa muwaadiniinta Mareykanka ee ku sugan Muqdisho inay muujiyaan taxadar sare toddobaadka soo socda. La-talinta heerka-4-aad ee Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka (“ha safrin”) ee Soomaaliya waxay xasuusineysaa muwaadiniinta Mareykanka in weerarrada argagixisanimo ay ku dhici karaan wax yar ama digniin la’aan ka dhanka ah bartilmaameedyada sida garoomada diyaaradaha, xarumaha dowladda, iyo hoteellada.
Leave a Reply