Faransiiska oo ka carooday xarun ey kuleheed Gaza oo ay Isra’iil duqeysay

Faransiiska oo ka carooday xarun ey kuleheed Gaza oo ay Isra’iil duqeysay

Paris (Raxanreeb) – Dowladda Faransiiska ayaa sharraxaad ka dalbatay Israa’iil kadib markii machad dhaqameed Faransiisku ku leeyahay Qaza lagu duqeeyay duqeymaha Israa’iil.

Sidoo kale, Wasaaradda arrimaha dibadda ee Faransiiska ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay ka codsatay maamulka Israa’iil inay na siiyaan “sida ugu dhaqsiyaha badan, iyada oo loo marayo hab ku habboon, oo leh waxyaabo la taaban karo oo keenay go’aankan ah in la weeraro gobtaas.

Dhanka kale, Wasiirka arrimaha dibadda ee Faransiiska Catherine Colonna ayaa hadal ay siisay warbaahinta Faransiiska oo ku sugan caasimadda Nigeria ee Abuja waxay ku tiri “Weerarku waxa uu sare u qaaday yaab iyo faham la’aan”.

Waxay ku dartay, “Sidee machad dhaqameed Faransiis ah u noqon karaa bartilmaameedka weerarrada Israel?”

Wasiirka ayaa carabka ku adkeeyay, “Waxaan ku hawlannahay wada-hadallo aan la yeelanayno saaxiibadayada Israel oo heerar kala duwan ah.

Waxay sharaxday in machadku ay ka maqnaayeen shaqaalaha ama muwaadiniin Faransiiska u dhashay markii la beegsanayay.WhatsAppFacebookTwitter

Leave a Reply

Your email address will not be published.