Xinlabi (Raxanreeb) Maamulka Galmudug ayaa maanta lagu wareejiyay ciidamo dadka deegaanka gaar ahaan kuwa loo yaqaano Macwiisleyda kuwaas oo lasheegay iney diyaar uyihiin ladagaalanka Al-Shabaab.
Sidoo kale, kulan munaasabadeed kadhacay magaalada Xinlabi ee gobolka Mudug ayaa masuuliyiin kasocotay maamulka Galmudug ayaa lagu wareejiyay ciidamo dadka deegaanka ah kuwaas oo diyaar u ah ladagaalanka Al-Shabaab.
Dhanka kale, Wasiir dowlaha Wasarada Arimaha Gudaha Federalka iyo dib uheshiisinta Galmudug Cumar Maxamed Diiriye Omar Guureye ayaa uga mahadceliyay dadka deegaaka Xinlabi sida ay diyaarka ugu yihiin in ay la dagaallamaan Al Shabaab.
Wasiirka ayaan sheegay in Galmudug dooneyso in ay deegaannadeeda ka xureyso kooxda Al Shabaab, waxa uuna kula dar daarmay ciidamada deegaanka in ay kaalin weyn ka qaataan xureynta deegaannada Al Shabaab wali heestaan.
Leave a Reply