Farmaajo iyo Siciid Deni oo kulan ku yeeshay Muqdisho

Farmaajo iyo Siciid Deni oo kulan ku yeeshay Muqdisho

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta hoygiisa ku booqday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

“Waxaan kulan ku saabsan xaaladda dalka, adkaynta midnimada iyo xal-u-helidda khilaafaadka ka taagan dastuurka iyo doorashooyinka dalka la qaatay Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni oo ay wehelinayeen qaar ka mid ah mas’uuliyiinta goleyaasha dowladda Puntland oo maanta booqasho iyo salaam iigu yimid” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Farmaajo

Siciid Deni waxaa booqashada ku weheliyey Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Wakiillada Puntland Mudane Maxamed Maxamuud Ciise (Awoowe), Masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Puntland, Saraakiil Madaxtooyo iyo masuuliyiin kale.

Leave a Reply

Your email address will not be published.