Farmaajo & Xasan maxay isku sheegeen  ?

Farmaajo & Xasan maxay isku sheegeen  ?

Doha (Raxanreeb ) Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula kulmay magaalada Dooxa ee dalka Qatar Madaxweynihii hore ee dalka Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxweynaha Dowladda ayaa la wadaagay Madaxweynihii Hore ee dalka, dadaallada dowladdu ay ku bixinayso xoreynta dalka iyo halganka ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed  ay ku jiraan ee argagixisada Alshabaab lagu cirib tirayo.

Labada Madaxwayne oo xilalka ku kala danbeeyay ayaa sidoo kale isla soo hadal qaaday sida muhiim ay u – tahay sidii wadista dadaalada dib u dhiska dalka iyo  nabadda ku wada noolashaha.

Madaxwaynayaasha Farmaajo iyo Xasan ayaa  isku wareejiyay xilalka Madaxtinimada dalka ka dib doorasho ka dhacday magaalada Muqdisho 15-kii May ee sanadkii 2022.

Madaxwaynaha Dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Doha ee dalka Qatar waxa uu kaga qayb galayaa shir caalami ah oo ay isugu imaadeen madaxda caalamka qaarkood.

Leave a Reply

Your email address will not be published.