MD Xasan sheikh ‘’ Diyaar ayaa u nahay in wada-hadal la galno Al- Shabaab ‘’

MD Xasan sheikh ‘’ Diyaar ayaa u nahay in wada-hadal la galno Al- Shabaab ‘’

Doha (Raxanreeb ) Isagoo Wareysi siinayay Television-ka Al-Jazeera Arabic ayaa Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud waxa ka hadlay xaaladda guud ee dalka iyo  caqabadaha taagan  xilligan ee u baahan in xalka deg deg ah Dowladiisa ay ka gaarto.

Madaxweyne Xasan Maxamuud  ayaa tilmaamay dib usoo laabashadiisa xilka ugu sarreeya Dalka in ay dhalisay in Al- Shabaab  laga qabsado deegaanno katirsan Gobollada Soomaaliya oo ay maamulayeen muddo 15-sano ah.

“Dib usoo laabashadeyda labaad waxa aan la kow saday xal u helista dhibaatooyin badan oo dhanka Amniga ugu weyn yahay si looga takhaluso waxa aan diiradda saarnay in Shabaab  lagu dhiirrado oo laga xorreeyo deegaannada ay joogeen ‘’ ayuu yiri Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wareysigiisa ku soo hadal qaaday  , ka dowlad ahaan sida ay u arkaan inay wada hadal la yeeshaan Al-shabaab.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud  ayaa ku xiray shuruudo lagula heshiiyo Alshabaab, sharuudahaas oo uusan ku sheegin wareysiga uu bixiyay.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu xusay in dadka u dagaalama Alshabaab ay u badan yihiin dhallinyaro Soomaaliyeed, islamarkaana aysan heysan dal kale oo ay ku noolaadaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.