Fargeeti ” Dowladda waa inay gacanta ku soo dhigtaa Laftagareen oo dagaal ka hurinaya Baydhabo “

Fargeeti ” Dowladda waa inay gacanta ku soo dhigtaa Laftagareen oo dagaal ka hurinaya Baydhabo “

Muqdisho ( Raxanreeb ) Wasiirkii hore ee Maaliyadds dowladda Soomaaliya Maxamed Aadan Fargeeti oo ay garab joogaan qaar ka mid ah musharrixiinta Koonfur Galbeed oo uu ka mid yahay Shariif Xassan Sheekh Aadan, ayaa sheegay in la soo weeraray hoyga uu ka deganyihiin magaalada Baydhabo.

Wasiirkii hore maaliyadda Maxamed Farkeeti ayaa madaxwayne Cabdicasiis Laftagareen ku eedeeyay in uu bixiyey amarka lagu weeraray gurigiisa, waxa uu ku  baaqay in dowladda federaalka ay gacan ku qabato Madaxwyane Laftagareen.

” Laftagareen waxa uu soo adeegsaday in gurigayga la soo weeraro Taliyaha Booliska Baydhabo iyo Taliyaha NISA ee Baay wixi dhacayna isaga ayaa qaadaya masuuliyadeeda , mana ah wax laga ogolaan karo Madaxwaynihii hore ” ayuu yiri Fargeeti.

Waxa uu ugu baaqay Fargeeti Dowladda Federaalka in ay soo fara galiso xaaladda siyaasadeed ee ka taagan magaalada Baydhabo ee gobolka Baay ,isagoo xusay i.  Ciidanka ATMIS iyo kuwa maamulka aan ka qayb qaatan siyaasadaha is diidan.

Mucaaradka ka soo horjeeda Madaxweyne Lafta Garayn ayaa ka biya diidan in kursiga uu sii fadhiyo maadaama muddo xileedka uu ahas 4sano uuna ka idlaaday dhawaan.

Xaaladda magaalada Baydhabo ayaa maanta aad u kacsan, waxaana gebi ahaanba hakad galay isku socodka dadka, gaadiidka iyo ganacsiga magaalada.

Leave a Reply

Your email address will not be published.