MD Xasan “Madaxda maamuladu ha qaataan muddo xileedkooda cidina wax kuma darsan karto”

MD Xasan “Madaxda maamuladu ha qaataan muddo xileedkooda cidina wax kuma darsan karto”

Muqdisho ( Raxanreeb ) Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh oo Masjidka Madaxtooyada khudbadii jimcaha kadib Laftagareen aad ugu dhaliilay khudbadiisa.

Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa qudbadiisii Jimce maanta wuxuu ku sheegay in muddo xileedkiisu yahay Afar Sano. Madaxweyne Xassan Sheekh, Wuxuu kaloo yiri Madaxda maamuladu ha qaataan muddo xileedkooda cidina wax kuma darsan karto.

Xasan Shiikh Maxamuud dagaalka uu Laftagareen uu uhaayo xataa wuxuu gaaray in uu Masaajidka dhex-diisa ku dhaliilo.

Mucaaradka ka soo horjeeda Madaxweyne Lafta Garayn ayaa ka biya diidan in kursiga uu sii fadhiyo maadaama muddo xileedka uu ahas 4sano uuna ka idlaaday dhawaan.

Xaaladda magaalada Baydhabo ayaa maanta aad u kacsan, waxaana gebi ahaanba hakad galay isku socodka dadka, gaadiidka iyo ganacsiga magaalada.

Leave a Reply

Your email address will not be published.